Mareykanka oo amar culus dul dhigay militariga qabsaday xukunka dalka Suudaan

Khartoum (Caasimadda Online) – Ku-xigeenka xoghayaha Mareykanka ee arrimaha Afrika ayaa ugu baaqday militariga Suudaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xukunka ugu wareejiyaan dowlad rayid ah.

Makila James waxay sheegtay in arrinta ku aadan in dalka Suudaan liiska dalalka maalgeliyo argagixisada uu ka saaro Mareykanka ay imaan karto oo kaliya ah waa haddii militariga ay awoodda ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Makila oo la hadleysay BBC kaddib markii kulan ay la qaadatay madaxa kumeel gaarka ah ee golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal Cabddel Fataax Cabdulraxmaan Burhaan.

Waxay ku tilmaantay taliyeyaasha militariga inay daacad yihiin isla markaasna ay si wanaagsan uga falceliyeen cosdiga shacabka reer Suudaan.

Shalay, Janaraal Burhaan waxaa uu xaqiijiyay in ciidammada aysan awood xadh-dhaaf u adeegsan doonin dibadbaxyaasha.

Militariga dalka Suudaan ayaa afgambiyey Madaxweynihii waqtiga badan ka talinayey dalkaas ee Al-Bashiir kaasoo hadda la filayo in lasoo taago maxkamad.

Al-Bashiir ayaa maalmo ka hor waxaa gurigiisa laga soo helay lacago Malaayiin Dollar ah oo ku jiray Boorsooyin, waxayna garsoorka dalkaas deg deg u amreen in Maxkamad lasoo taago.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum 
Caasimada@live.com