Kulamadii Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muuse Biixi oo war laga soo saaray (Aqriso)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa maalintii salaasadii safar shaqo oo rasmiya ku tagay dalka Jabuuti, sida ay baahisay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa madaarka Jabuuti waxa ku soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisiba Raysul wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil, iyadoona loo sameeyay hab maamuus.

Biixi ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele kulan kula qaatay madaxtooyada dalkaasi, iyadoona lagaga wada-hadlay kulankaasi arrimo badan oo dan u ah labada dhinac ee Somaliland iyo Jabuuti.

Kulankaasi ayaa waxa si gooni gooni ah uga hadlay labada Madaxweyne ee Biixi iyo Geele, waxayna si isku-mid ah hoosta uga xariiqeen xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Madaxweyne Geele ayaa kulankaasi kaga hadlay bartiisa Twitterka iyo Facebook-ga, isagoona bidhaamiyey qodobo dhowr ah oo u daarna kulankaasi, waxaana lagu yiri qoraalkaasi:

“Madaxwaynaha Jamuriyada Mudane Ismacil Cumar Geele ayaa qasriga madaxtoyada waxa uu ku qaabilay madaxwaynaha Somaliland Mudane Moussa Bixi Abdi.

Kulanka labada dhinac ay yesheeen waxa lagu soo qaday arrimo badan oo dan uu ah labada dhinaca sida iskashiga uu dhexeya jamhuriyada Jabuuti iyo Somaliland gaar ahaan dhinacayada dhaqaalaha, warfafinta iyo ganacsiga.

Kulankan waxa laagu soo qaday sido kale hawlaha wax wada qabsiga Jabuuti iyo Somaliland sida wadada cusub ee isku xidhaysa Jabuuti iyo Somaliland oo hadda gaba-gaba ku dhaw.”

Madaxweyne Biixi oo isaguna shalay ka hadlay socdaalkaasi uu ku joogo dalka Jabuuti iyo kulanka uu la qaatay Madaxweyne Geele, ayaa waxa uu yiri “Waxa aan u mahad-celinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo xukuumadiisa oo nagu soo dhaweeyay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aanu walaalaha nahay oo aanu ku joogno booqasho rasmi ah”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa aanu ka wada-hadalnay in la iska kaashado horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, isku socodka, labada shacab ee walaalaha ah iyo xoojinta nabadgelyada guud ahaan gobalka Geeska Afrika”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com