Kulan lagu taageerayay qorshaha DF ee Jubaland oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan lagu taageerayay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aadan Jubaland loo dhanyahay oo ay ka qeybgalaan dhammaan beelaha dega Jubooyinka iyo Gedo ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa kulanka soo qaban qaabisay beesha Dagoodiye oo ka mid ah beelaha dega Jubaland, waxaana kulanka goobjoog ahaa siyaasiyiin, waxgarad iyo dhalinyaro.

Kulanka intii uu socday ayaa si qota dheer looga hadlay doorka dhaqanka ee dib-u-dhiska Jubaland iyo in lagu garabsiiyo dowladda Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan dhismaha Jubaland.

Waxaana ugu dambeyntii beesha Dagoodiye kulankooda ay ka soo saareen qodobo dhowr ah , waxaana ugu muhiimsanaa:

1 – Beeshu waxay dowladda federaalka ugu baaqeysaa in ay sii laba jibaarto dadaalka dhismaha Jubaland loo dhanyahay, waxaana ku baaqeynaa in dowladda ay qabato Shir dib-u-heshiisiin ah oo dhammaan beelaha ay ka soo qeybgalaan si loo helo jubaland cadaalad ku dhisan.

2 – Beesha Dagoodiye marna ma ilaabi doonto dilkii arxandarada ahaa ee Axmed Madoobe uu u geestay nabadoon Maxamed Nuur Cismaan oo ahaa Nabadoonkii beesha ee Jubaland, iyo Barakicintii uu u geestay Beesha iyo Dhulboobka uu wali ku hayo beesha.

3 – In Beesha Dagoodiye aysan aqoon saneen maamulka rajiimka Axmed Madoobe: Marna beeshi ma aqbaleyso maamul ku dhisan eex, nin jecleysi ku tagri fal awoodeed  iyo sad bursi  oo qoriga uu sharci .

4 – In beeshu marn gorgortan kama gali doonto boobka uu Axmed Madoobe ka geestay Kismaayo iyo burburintii Xaafadii Buula Dagoodiye iyo Dhulkii uu sida sharciga baal marsan ku boobay, waxayna aaminsan tahay in cadaaladu mar un shaqeyn doonto, Axmed Madoobana loo maxkamadeyn doono arrintaas iyo gabood falkii uu u geestay waxgaradka beesha ee Jubooyinka iyo Gedo.

5 – Dowladda federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay dhowrto wax wada lahaanshaha beelaha wada dega Jubaland.

6 – Waxa kaloo beesha Dagoodiye Beelaha kale ee dega Jubaland ugu baaqeysaa in la qadariyo dhaqanka rasmiga ah ee beelaha ee soo jireenka ah.

7 – waxaan uga digeynaa ragga leh damaca siyaasadeed in ay ka digtoonaadaan wax walba oo xasad iyo dhibaato ka dhex abuuraya bulshada deegaankaa.

8 – Ugu dambeyn waxaan ku baaqeynaa in duulaanka qaawan ee maleeshiyaad huwan shaati maamul ay ka wadaan Deegaanka Goryaale ay joojiyaan, oo aan la hurin colaad sokeeye oo uu dhiig ku daato, Dowladda Fereaalka Soomaaliya, Dowlad Deegaanka iyo maamulka KGS waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa in arrintaas joojinteeda ay qeybka qaataan oo masuuliyad ay iska saaraan inta uusan dhib dhicin.