Madaale: Qalad aan dib loo sixi karin ayaa la rabaa in lagu sameeyo gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo wareysi dheer bixiyey ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan maqaamka Muqdisho.

Ugu horreyn Madaale ayaa si weyn u dhaliilay kuraasta 7 xubnood ee loo qoondeeyey in gobolka Banaadir uu ku yeesho Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xusay in matalaadaasi ay tahay mid aan ku dhisneyn dadka waxa ay muddan yihiin, islamarkaana aan laga fiirsan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu u arko arrintaasi qalad la galayo, ayna adkaan doonto in beri la saxo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in weli maqaamka Muqdisho kor loo sii hayo, islamarkaana la siyaasadeynayo xaqa shacabkeeda oo uu carabka ku dhuftay inay yihiin kuwa bixiya canshuurta ugu badan, sidoo kalena ay heysataan dhibaatooyin is-biirsaday.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo si aad ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Muqdisho ay uga falceliyeen go’aankii ay soo saareen guddiga labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo lagu shaaciyey in gobolka Banaadir uu 7 xubnood ku yeelan doono Aqalka Sare, islamarkaana lagu soo xuli doono nidaamka beelaha ee 4.5.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.