Xiisadda Baashe iyo Faysal Cali oo meel sarre gaartay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada ka dhex aloosan Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa sarre usii kacday kadib markii uu Baashe ku hanjabay inuu jagada ka tuurayo Faysal.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay inuusan marnaba ogolaaneyn inuu dib usoo noqdo Guddoomiye Faysal oo isagu jagada madaxtinimada Somaliland u tartamay muddo saddex jeer ah, isla markaana ku guul-dareystay doorashooyinkaasi.

Baashe ayaa ku hanjabay in mar afaraad uusan jagada madaxtinimada u tartami doonin Faysal, oo dhawaan eedeymo la xiriira doorashada u jeediyay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

“Isagu wuxuu ku fadhiyaa (Guddoomiye-nimad UCID) Xeer anagu aanu qornay, Annaguna waxaanu ku fadhinaa Dastuur, markaa haddii uu ka waantoobi waayo guddoomiye Faysal, Guddoomiye Xisbi sidan uu yahay ku ahaan maayo, saddex doorasho ayuu galay saddexdiiba wuu dhacay, wuxuu doonayaa inuu mid afraad  (galo) waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu mid afraad isku taagin” ayuu yiri Guddoomiye Baashe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, hanjabaada guddoomiye Baashe ayaa hirgeli doonta dhawaan, xili uu golaha horkeeni doono xeer u diidaya in musharaxiinta madaxweynaha ay isasoo sharaxaan wax ka badan saddex mar.

Qorshaha uu xeerkaasi ku hor-geynayo golaha ayuu uga dan leeyahay inuu meesha kaga tuuro guddoomiye Faysal oo ay xiligan xiisada xoogan kala dhaxeyso.