Dood ka taagan qandaraaska maqaayad la rabo in laga dhex furo tiyaatarka qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan helnay ayaa sheegaya in dood ay ka taagan cidda la siinayo qandaraaska maqaayad laga dhex furayo tiyaatarka qaranka oo dhowaan dib loo furay.

Ganacsato Soomaaliyeed oo dhowr ah ayaa doonaya inay helaan qandaraaskaas, hase yeeshee waxay ka cabanayaan wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay sheegeen inuu doonayo inuu qandaraaska si kale ku bixiyo.

Wararka ayaa sheegaya in wasiir Maareeye uu qanadaraaska siiyey xildhibaan iyo nin kale oo ganacsato ah, oo ay isku dhow yihiin ayada oo aan tartan la gelin, taasi oo ay qalad ku tilmaameen.

Maareeye iyo xubnaha qandaraaska la siiyey ayaa lagu warramay inuu ka dhaxeeyo heshiis hoose oo lacag kasta oo laga faa’iido maqaayadda lagu qeybsanayo.

“Maadaama tiyaatarku yahay xarun qaran, waxay ahayd in qandaraaska si shaacsan bulshada loogu soo bandhigo, looguna tartamo,” waxaa sidaas yiri qaar ka mid ah ganacsatada lasoo xiriiray Caasimada Online.

Dooddan ayaa gaartay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo sida la sheegay joojiyey bixinta qandaraaska, islamarkaana ku amray wasiirka inuu joojiyo.

In qandaraaska la siiyo xildhibaano ama xubno dowladda ka tirsan ayaa ka hor-imaneysa xeer uu soo saaray Kheyre sanadkii 2018, kaasoo mamnuucaya in xubno ka tirsan dowladda ay ku lug yeeshaan qandaraasyada dowladda bixineyso, si loo yareeyo musuq-maasuqa.

Wasiir Meereeye oo aan xiriir la sameynay si aan wax uga weydiino arrintan nooma jawaabin.