Kulan Xasaasi ah oo Magaalada Caasimada ee Muqdisho ka dhacay.

Kulan looga hadlayay Sidii Ururka Jamacada carabta ay ku taageeri lahayd Dowlada Soomaaliya ayaa wxaa magaalada muqdisho ku qaatay Wasiirka Howlaha guud,gaadiidka iyo Dekadaha iyo sidoo kale safiirka Jaamacada carabta ee Soomaaliya Maxamed Idiris.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaarada ee Magaalada Muqdisho ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaasi waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay Muxudiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka howlaha guud iyo Dr Maxamed Idiris.

Wuxuu sheegay Wasiirka in ujeedka kulankooda uu ahaa sidii Jaamacada carabta ay uga taageeri laheyd xarumaha Dowladda ee sanadihii dambe burburka xoogan ka muuqday dib udhiskooda.

Dr Maxamed Idiris Safiirka Jaamacada carabta ee Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in Jaamacada carabta ay Dowladda Soomaaliya ka taageerayso dib udhiska xarumaha Dowladda.

wasiirka howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhanka kale wuxuu dhagax dhigay Xarunta farsamada Gaadiidka Dowladii dhexe.

Ururka Jaamacadad Carabta aya doonaya inay taageeraan dowlada Soomaaliya ilaa ay cagaheeda ay ku istaagto.