Wafdi Jabuuti ah oo tagay Muqdisho

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya  soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti ee howlgalka ujooga dalka Soomaaliya.

Idiris Arnaa’ud Cali oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka maanta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ay tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Sheekh Jawaari oo hadlay ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa loo galbiyay Aqalka Baarlamaanka dalka Soomaaliya halkaasi oo uu kula hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in Xildhibaanada ay yihiin wakiilo matalaya shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay mar waliba inay ka fekeraan shacabkooda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu durba ka qayb galay Kulan  Baarlamanka Maanta ugu socday Xarunta Golaha Shacabka