Kulan Xasaasi ah oo ay ku ballansan yihiin Farmaajo iyo xildhibaannadii xilka ka qaaday…

Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 51 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa galabta lagu wadaa in ay kulan kula qaataan Magaalada Muqdisho madaxweynah Dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibaannadan oo ah kuwii sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf,ayaa la filayaa Madaxweynaha in uu u soo bandhigo wixii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xaaf iyo Dowladda Federaalka ah.

Kulankan waxaa goobjoog ka noqonaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey,Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya in Xildhibaannada sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf uu ku qanciyo in ay ka tanasulaan go’aankii hore islamarkaana Xaaf loo daayo shaqadiisa in uu sii wato.

Maanta ayuu qorshuhu yahay in la soo gaba gabeeyo Khilaafkii muddada soo jiitamayay ee u dhaxeeyay Madaxda Maamulka Galmudug ee sababtay in qaarkood ay xilalka iska qaadaan kuwana Xabsi Guri la geliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasaimada@live.com