Washington Post “Kim Jong-un cusub ayaa ka soo muuqday khaliijka carabta”

Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Caalamka oo idil ayaa laga hadal haya isbedellada lama filaanka ah ee xukuumadda Aala Sacuud ay ku dhaqaaqday bilihii lasoo dhaafay.

Saxafiyiin iyo siyaasiyiin reergalbeed ah oo falanqeeyay siyaasadda cusub ee uu lasoo shirtagay Max’med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha koowaad ee Sacuudiga ahna wasiirka difaaca ayaa sheegay in shacabka Sacuudigu wajahayaan caburin uga imaanaysa siyaasiyiin isbedel doon ah balse qaaday dhabbihii kaligii talisnimada.

Wargeyska Washingtonpost oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Mareykanka ayaa daabacay silsilado maqaallo ah oo ku saabsan maamulka kaligii taliska dalka Sacuudiga.

Maqaal ciwaan looga dhigay “Kim Jong-un Cusub oo Khaliijka Kasoo Muuqday ” ayaa isbarbar lagula sameeyay Bin Salmaan iyo hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi.

Daniel Dresner oo ah siyaasi maqaal hore ah ayaa sheegaya in siyaasadda kaligii talisnimo ee qoyska Aala Sacuud lasoo baxay uu ka dhiganyahay in Kim Jong-un madaxweynaha jeega xiirka ah ee Waqooyiga Kuuriya uu helay wehel cusub oo ah Max’med Bin Salmaan marka loo eego siyaasadda gacanta birta ah ee u ula dhaqmayo muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta Fikirkiisa diidan.

“Dhammaan dawaaqiidda caalamka ayaa maanta doonaya in ay noqdaan sida madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un”ayuu yiri Daniel Dresner  isaga oo xusay in Max’med Bin Salman uu yahay sidaas.

Dhaxal sugaha sacuudiga ayaa la sheegay in ay isku siyaasad yihiin sedax hoggaamiye oo katirsan caalamka kuwaas oo kala ah madaxweynaha shiinaha, madaxweynaha Kuuriyada waqooyi iyo madaxweynaha Ruushka.

Siyaasadda Cusub ee sacuudiga ayaa ah in ladilo ama xabsiyada lagu guro dhammaan culimaa’udiinka iyo shakhsiyaadka ku baaqay in shareecada islaamka laysku maamulo ugu yaraana ka dhiidhiya faafinta fuxshiga.

Aala Sacuud waxay bilaawday in ay xilalka ka qaaddo oo ay xirto wasiirro iyo saraakiil ciidan oo loo arko in ay kasoo horjeesan karaan siyaasadda calmaaniyaynta cusub ee Bin Salmaan uu ku raalli gelinayo Trump iyo reergalbeedka.

“Kaligood taliyayaal badan oo duqaad ah waxay wadamadooda ka dhaqan gelinayaan qawaaniinta qoob ka ciyaarka ah ee Kim Jong-un, waxayna ka shaqeynayaan sidii loo xakamayn lahaa astaamaha iyaga kasoo horjeeda” ayuu markale yiri Daniel Dresner oo maqaalkiisa lagu daabacay Washingtonpost.

Mufakiriin iyo siyaasiyiin reergalbeed ah ayaa wax layaab leh ku tilmaamay in Nidaamka Aala Sacuud ay kasiibtaan wax ay ugu yeereen Madarasadii Wahaabiyadda ayna burburiyaan!.

4,November 2017 waxaa sacuudiga ka dhax dhacay wax lagu tilmaamay dhul gariir siyaasadeed kadib markii la xiray tobanaan kamid ah amiirrada wadanka,ganacsato maal qabaneenno caan ah iyo 4 wasiir oo xilal ka hayay dowladda sidoo kale waxaa xilkii uu hayay laga xayuubiyay Mutcab Bin Cabdalla wasiirkii ilaalada qaranka ahaana siyaasi rug caddaa ah.

Mid kamida lataliyayaashii dhanka amniga ee G.W Bush Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegay in Ficilka inanka Boqorka Sacuudiga uu yahay mid waalli ah oo wax ka bedeli doonta taariikhda Sacuudiga.

Dad badan ayaa arrintan u arka tallaab uu Bin Salmaan ku xaarxaarnayo wadada si waqti aan dheereyn u iclaamiyo in uu yahay boqorka wadanka.