Kulanka baarlamaanka oo lagu furaayo mooshin ka dhan ah heshiiska dekadda Berbera ee Itoobiya wax ku yeelaneyso

Muqdisho (Caasimada Online)– Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ayaa bilaabay inay dib u soo celiyaan mooshinkii ka dhanka ahaa heshiiska dekadda Berbera ee Somaliland la gashay DP World, kaasoo hadda si rasmi ah loo shaaciyay in dowladda Ethiopia ay salami dhan 19% ku yeelaneyso dhaqaalaha dekaddaasi.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in marka uu furmo kalfadhiga 3-aad ee golaha shacabka inay horgeyn doonaan mooshin ka dhan ah heshiiska seddax geesoodka ah ee dekadda Berbera.

Mudanayaasha mooshinkaan wada inay horgeeyaan fadhiga baarlamaanka ee sabtida oo ku beegan 10-ka bisha uurmaya ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Aadan Isaac ayaa sheegay in heshiiskaas seddax geesoodka uu yahay mid sharci daro ah, isla markaana marnaba la aqbali akrin.

“Xildhibaanada wey ka hadleen heshiiskaasi, waxaana u balansaneyn in kalfadhiga marka uu furmo aanu mooshin heshiiskaas ku saabsan soo bandhigo, mooshinkii horay looga keenayna wuxu kaga duwan yahay in la soo bandhigay saamiga iyo qaabka loo kala qaatay”ayuu yiri Xildhibaanka Aadan Isaac.

Dhamaadkii sanadkii hore ayaa baarlamanka la horkeenay mooshinkaan ka dhanka ah heshiiska dekadda Berbera iyo saldhiga milateri ee Imaaraadka ka dhisanayo, waxaana markii danbe soo farageliyay madaxda dowladda oo safiirka Imaaraadka kulamo gooni gooni ah la yeeshay, aakhirkiina la joojiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com