Muuse Biixi oo wasiiradiisa dul dhigay amar la mid ah kii ra’iisul wasaare Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagu mamnuucay in Golaha Wasiirada maamulka ay la hadlaan Saxaafada.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Hoggaamiyaha maamulka uu mamnuucay in Wasiirada maamulka ay la hadlaan Warbaahinta iyagoo aan heysan amar ku saabsan la hadalka Saxaafada.

Waxa uu Hogaamiyaha maamulka Somaliland Biixi faray Wasiirada in la hadalka Saxaafada bedelkeeda ay wax walba ku wadaagan qoraalo sharci ah oo aan wax u dhibi Karin maamulka.

Muuse Biixi, ayaa dhammaan Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee xilalka ka haya maamulka ku amray inay dhaqan galiyaan amarka looga mamnuucaayo la hadalka Saxaafada Madaxa-banaan.

Dhinaca kale, talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu Golihiisa Wasiirada ka mamnuucay la hadalka Saxaafada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com