Wasiir Maax iyo Danjire Asmamaw – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Labaatanaad

Muqdisho (Caasimada Online)-Howlgalka ICRC ay ku kala wareejineysay maxaabbiista dagaal ee Soomaaliya iyo Ethiopia wuxuu billowday Talaado 23 Agoosto 1988, wuxuuna socday toban maalmood.  Inta badan laba dullimaad ayay sameyn jirtay dayaaraddu maalin kasta oo laba jeerna ay Muqdisho ka kaceyso, laba jeerna ay ka soo kacayso Dire Dawa.  Laakiin maalmaha qaar waxay sameyneysay saddex duullimaad.

Qormadii tan ka horreysay waxaan ku sheegay in Muqdisho uu soo gaaray duullimaadkii ugu horreeyay ee keenay maxaabbiista Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Siyaad oo ay wehliyaan Madax kale oo badan ayaa ku soo dhoweeyay garoonka.  Waxaan xusay in ehelka Maxaabbiistu ay yimaadeen airporka iyo in ciidanka salaan sharaftu ay miyuusik tumayeen.

In dadweyne fara badan uu isugu soo baxay gegida oo uu ka qeyb qaatay soo dhoweynta, damaashaadka iyo farxadda galabtaas ka jirtay gegida dayaaradaha, ayaan xusay.

Ciidanka Soomaalida ah ee ku xirnaa Ethiopia in ka badan toban sano, waxaa keenay saddex duullimaad oo ka soo qaaday Dire Dawa.  Dullimaad kastaa mar gooni ah ayuu yimid.  Kii ugu dambeeyey habeen ayuu soo degey.  Madaxweynaha Jamhuriyadda ayaa duullimaad kasta Maxaabbiista la socotay ku soo dhoweeyay garoonka.

Maxaabbiista Soomaalida waxaa la dejiyay Dugsiga tababbarka militeriga ee Xalane si ay ugu nastaan, caafimaadkooda loo baaro, ciidanku uga warqaato, ehelkoodu ugu soo booqdo, iyaguna marka ay doonaan ay magaalada u baxaan.

Aniga iyo Sarkaal kale oo ka tirsan ICRC, ciidanka Soomaaliyeed ee xabsiga Ethiopia laga soo daayay waxaan ugu tagnay xerada xalane, waxaanan isaga daba noqoneynay dhowr maalmood halkaas oo aan mid mid wareysi ugula yeelannay.

Maxaabiista Ethiopian-ka ah

Maxaabbiista Ethiopia qaybtii ugu horreysay markii laga keenay Ceel Jaalle oo ay soo gaareen Garoonka Dayaaradaha ee Muqdisho, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Maax ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Danjiraha Ethiopia u fadhiya Muqdisho, Asmamaw Kelemu.

Richard Anderegg oo ah Madax Ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa isuguna daraf ka saxiixay warqadda lagula kala wareegayo Maxaabbiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas, Axmed Sahal Cali, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda Maxaabbiista Ethiopia lagu wareejinayo Dowladdooda.

Wasiir ku Xigeenku oo hadal gaaban jeediyay wuxuu xusay in isu celinta maxaabbiistu ay qayb ka tahay fulinta heshiiskii dhex maray labada Dowladood.

Danjiraha Ethiopia oo munaasabadda ka hadlay wuxuu sheegay xusuusta ay maalintani ku reebi doonto shucuubta labada dal.

Maxaabbiista Ethiopian ayaa iyagana duullimaadkoodii ugu horreeyay uu maalintaas ka duulay Muqdisho.

Garoonka dayaaradaha ee Dire Dawa soo dhweyn xoog leh ayaa loogu sameeyay maxaabbiista Ethioppia ee aan Muqdisho ka qaadnay.  Jawiga garoonka Dire Dawa wuxuu ahaa mid aad uga duwan kan garoonka Muqdisho.  Taas waxaan ku faahfaahin doonaa qormada tan xigta.

Isu geyn labaatan dullimaad oo Muqdisho iyo Dire Dawa u kala gooashaya ayay sameysay dayaarad u kireysan ICRC oo Maxaabbiista labada dhinac mid walba ku celineysay dalkiisa.

Sawirrada ka muuqda boggan waxaa qaadday Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed oo ahayd hey’adda keliya ee oggolaasho u haysata qaadidda sawirrada rasmiga ah ee Dowladda iyo dhacdooyinka dalka.  Waxaana daabacay Wargeyska Xiddigta Oktoobar. Labaduba waxay hoos imaanayeen Wasaaradda Warfaafinta.

FG. Taxanaha waxaa ka harsan Jawiga gegida dayaaradaha ee Dire Dawa sida uu ahaa soo dhoweyntii loo sameeyay maxaabbista Ethiopian-ka ah ee ku xirnaa Soomaaliya in ka badan toban sano.  Waxaa kale oo aan taaban doonaa maxaabbistii Soomaalidu markii ay ku soo laabteen dalka sida loola dhaqmay iyo inta aan ka warqabo waxa ay maanta, 2018, ku sugan yihiin.  Waxaa kale oo aan ka warrami doonaa gabar Soomaaliyeed oo ka mid ahayd Maxaabbiista Ethiopia.

W/Q. Yuusuf Garaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com