Kulanka Cumar C/rashiid iyo William Rutto: Hal horumar iyo laba fashil (Socdaalka R/Wasaraha)

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa socdaal aan hore loo sii qorsheyn ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu kulan kula yeeshay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ahna sii haya xilka madaxweynaha William Rutto.

Wafdiga Cumar C/rashiid oo ka tegay dalka Itoobiya oo xilli dambe ay tageen shirkii looga hadlayay argagixisada ee magaalada Bahardar waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda C/salan Cumar Hadliye iyo xubno kale sida xildhibaan Gaandi.

Labada wadahadalkooda waxaa hareeyay arrinta qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya oo isla madaxweyne ku xigeenka dalkaasi uu ku hanjabay inuu ka rari doono gudaha Kenya muddo 3 bilood ah haddii ay dalkooda Soomaaliya ku celin weydo Hay;adda UNHCR.

cc ruto

Waxaana war laga soo saaray xafiiska madaxweyne ku xigeenka Kenya lagu sheegay in arrinta qaxootiga Soomaalida laga furi doono wadahadal saddex geesood ah oo dhex mari doona Somalia, Kenya iyo UNHCR, wadahadalkaas oo bilaaban doona Taladaada beri, si xal loogu helo arrinta qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Kenya.

Socdaalka Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa la oran karaa arrintaas waa horumar laga gaaray arrintii khilaafku ku taagnaa ee qaxootiga, inkastoo dowladda Kenya ay cadaadis badan saareen Qaramada Midoobay iyo dalalka deeqda bixiya, waxaana horumarkaasi laga dhaxlay socdaalkaasi.

Dhinaca kale waxaa kulankii dhex maray Soomaaliya iyo Kenya ee heerka sare ahaa ka muuqday agaasim xumo laga naxo iyo khaladaad xagga borotokolka ah kadib markii madashii shirka laga waayay Calanka Soomaaliya oo kaliya uu ka soo muuqdan Calanka dalka Kenya.

Ra’iisal wasaaraha waxaa fashilkaas la wadaaga safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya oo hadda kusime uu xilka sii hayo oo iyaduna ku fashilantay inay howsheeda gudato kana dhigto madasha meel laba dowladood ku wadahadlayaan halkii ay u muuqan lahayd meel dowlad qura ay dadkeeda ku qaabishay..!

ruto cc

Isha: Goobjooge