SHARIIF XASAN oo calaameystay xuduudda uu sheegay inay u dhaxeyso isaga iyo MUQDISHO

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, ayaa waxa uu xariiqay xuduuda uu Gobolka Banaadir la wadaago, iyadoo Gobolka Shabeellaha Hoose uu la goobood xuduud kala wadaago Gobolka Banaadir.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa inta u dhaxeyso Degmada Wadajir iyo Deegaanka Jazeera, u aqoonsaday xuduuda rasmiga ah ee kala qaybisa Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose. Shabeellaha Hoose waxay ka tirsan tahay 3-da gobol ee Maamulka Koonfur Galbeed uu ka arrimiyo, marka laga soo taggo Gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Maamulka Koonfur Galbeed C/laahi Sheekh Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Warshaddii Sifaynta Batroolka ee duleedka Degmada Wadajir, ayaa sheegay inay halkaasi u aqoonsadeen xuduuda kala barta Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Banaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Goboladaasi ay xuduud kale ka wadaagan dhinaca Degmooyinka Dharkiinley iyo Afgooye, laakiin xuduuda ay iyagu xisaabsanayan ay tahay, midda kala barta Wadajir iyo Jazeera.

Wasiirka, ayaa ku dhawaaqay in Deegaanka Jazeera uu ka mid yahay goobaha uu ka arrimiyo Maamulka Koonfur Galbeed, isla-markaana ay u aqoonsadeen Degmo, ayna u soo dhisi doonaan maamul ka hawlgala, laakiin inta ka horeysa ay u sameeyen Taliye ciidan, oo amniga ka shaqeeya sida uu yiri.

Kolka la soo dhiso Maamul Goboleedka loo wado in loo sameeyo Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa iyana la fillayaa inay calaamadeeyan xuduuda ay Shabeellaha Dhexe la wadaagto Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com