Somalida Kenya oo maanta go’aan laga garayo

Nairobi (Caasimada Online) – Kulan seddex geesood ah oo looga hadlayo soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa waxaa la filayaa in maanta ay yeesheen dowlada Kenya, Somaliya iyo hayada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, hishiiskaasi oo sanad ka hor ay seddex dhinac ku gaareen dalka Kenya.

Wadahadalada maanta ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa hishiiskii dib usoo celinta qaxootiga doonaya iney kuso laabtaan dalka Soomaaliya, kaasi oo dad badan ay kaga soo laabteen dalka Kenya..

“Tani waxaa isku raacay iney kulmaan ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya”sidaasi ayaa lagu war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska William Ruto.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ka dalbaday madaxweyne ku xigeenka Kenya iney ka wada hadlaan xaaladaha dhanka amaanka ee u dhaxeeya labada dowladood.

Wuxuu sidoo kale ka dalbaday inta kulanka uu socda muhiimada ay leedahay in la qiimeyo habka loo qaadi karo masuuliyada dib usoo celinta qaxootiga, iyada oo caawinaada hayadaha caalamka laga faa’ideysanayo.

Hishiiskii horay look ala saxiixday ayaa dhigayay in dib loosoo celiyo qaxootiga ku sugan Kenya ee Soomaalida ah kuwa doonaya iney dalkooda kusoo laabtaan maadaama hishiiska uusan aheyn mid qasab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com