Kulanka xildhibaanada BF ee maanta oo seddex arrin kaga duwan kulamadii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta ugu sareyso hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo wasiirada Gaashaandhiga iyo amniga xukuumadda ayaa maanta hortagaya baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa waxaa uu ka duwan yahay kulamadii hore ee ka dhacayay xarunta golaha shacabka, waxaana ka maqan warbaahinta sida uu shalay shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal C/raxmaan.

Kulanka maanta ayaa seddex arin kaga duwan kulamadii hore ay xildhibaanada baarlamaanka ku yeelan jireen xarunta golaha shacabka, waxaana ugu horeeya in xildhibaanada baarlamaanka ay ka mideysan yihiin in kulanka maanta uu ka dhaco golaha shacabka.

Arinta Labaad ee kulanka maanta uu kaga duwan yahay kulamadii hore ayaa ah inuu dhacayo maanta oo Axad ah, iyadoo kulamadii hore looga bartay maalmaha, Sabtida, Isniinta iyo Arbacada.

Arinta Seddexaad ayaa ah in kulanka la isku waafaqay inay warbaahinta Dibad Joog ka ahaato, iyadoo xildhibaanadii kulankii hore mucaaradsanaa aqbaleen inay gole xiran ku wareystaan laamaha amaanka.

Shalay oo Sabti aheyd ayaa Xildhibaanada waxaa ay dood adag ka yeesheen xaalada Amni ee dalka,iyada oo Xildhibaanada ay muujiyeen dhaliilo ku aadan sida ay Xukuumadda u wajahday sugida Amniga dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in Kulanka Baarlamaanka ay goobjoog ka noqdaan Su’aalana la weeydiiyo, Wasiirka Amniga, taliyeyaaha Ciidamada Millateriga, Booliska, Asluubta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara kulanka laamaha amaanka iyo xildhibaanada baarlamaanka ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com