Kulankii Baarlamaanka ee Mooshinka Jawaari oo lagu dhawaaqay inuu Berri dhacayo iyo xaaladda oo meel xun mareyso….

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay in maalinta Berri ee Isniinta ah uu jiro kulan ay yeelanayaan xildhibaannada Baarlmaanka.

Farriin uu u kala diray goor dhoweyd xildhibaannada ayuu ku sheegay in Ajendaha fadhiga uu yahay mooshinkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga keenay, waxaana farriintan ay soo baxeysaa iyadoo 48-kii saac ee uu danbeeyay ay socdeen waanwaan lagu doonayey in mooshinka xal loogu helo.

Ilo ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in xaalada shalay illaa xalay u muuqatay mid degan, isla markaana ay yaraatay xiisadihii maalmihii la soo dhaafay jiray, hase ahaatee farriintan ka timid dhanka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ay sii xoojin karto karto is-maandhaafka u dhaxeeya Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in habeen hore uu baajiyay kulankii shalay oo sabti ahaa ay qaban qaabinayeen dhanka Guddoomiye C/wali Muudey oo qorshahooda ahaa inay qabtaan kulanka Baarlamaanka.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka koowaad C/weli Muudey uu ka biyo diidan yahay dadaallada waanwaanta ah ee socda iyo waqtiga lagu luminayo qancinta guddoomiye Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com