Shariif Xasan oo musuq maasuqay shaqaaleysiinta 16 Agaasime guud iyo Beelaha qaar oo loo diiday inay soo codsadaan

Baydhabo (Caasimadda Online) – Bangigga adduunka ayaa horaantii sanadkaan waxa uu maamulka Koonfur Galbeed ku wargeliyey in la shaqaaleysiin doono 16 Agaasime guud oo kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha Maamulka KGS, wargelintaas kadib waxaa bilowday olale ballaaran kaas oo loogu diyaar garoowayo sidii loo kala qeybsan lahaa Agaasimayaasha guud ee KGS.

Madaxweynaha KGS Shariif Xasan Shekh Aadan oo ah shaqsi aan baahin awoodaha maamulka ayaa waxaa uu durba faragelin weyn ku sameeyey qaadashada agaasimayaasha  kuwaas oo website yada laga shaaciyey si imtixaan furan loogu guuleysto boosaska banaanaa, arrintaas oo ah sharci u yaala Bangiga Adduunka.

Madaxweyne Sharif ayaa si cad   waxa uu ku wargeliyey guddiga shaqaalaha rayidka KGS taas oo uu u sheegay in aan la qori karin qof aan ahayn Beelaha waaweyn ee dega KGS sida Hadame, Leysaan, Asharaaf iyo Hariin.

Qaar kamid ah dadka sida aadka loogu dulmiyey tartankii shaqaaleysiinta wasaaradaha KGS ayaa waxay kala soo kala jeedaan Beelaha Heladi, Haraw iyo Beesha yantaar.

Shakhsiyaad beelahaas kasoo jeedo  ayaa waxa ay shaqada ay dalbadeen ku waayeen qabiilkooda oo ah qabiilada yar yar kuwaas oo uu shariifku sheegay in aan la shaqaaleysiin karin ,

Dadkaas ayaa xitaa waxaa lagu casuumi waayey short list-ga taas oo ay guddiga shaqaalaha KGS ka baqeen in ay  kusoo baxaan, maadaama ay aqoontooda aad u sareyso madaxweynaha KGS uusan ku amrin in la qaato amaba lagu casuumo short list ga.

Xubno katirsan Bangigga Adduunka ee KGS ka howlgala  ayaa shaki weyn ka muujiyey nidaamkii loo shaqaaleysiiyey 16 ka  Agaasime guud ee KGS kuwaas oo booska laga reebay dad badan oo qabiil ahaan loo liiday, taas oo sabab u aheyd madaxweyne Shariif Xasan oo gudiga shaqaalaha KGS ku wargeliyey in aan la qaadan karin cid aan ka soo jeedin 4 qabiil aan kor kusoo xusnay.

Wasiirada KGS xitaa awood uma aysan la hayn in ay qaataan Agaasime guud oo aqoon buuxda u leh booska wasaaradooda iyagoo arrintaas ku waayey dhanka madaxweynaha KGS oo aad u cunsuriyeeya beelaha yar yar kana baqa beelaha waaweyn.

Haddaba dad badan ayaa arrintaan musuqmaasuqa ah ee uu hormuudka ka yahay madaxweynaha KGS ku micneeyey in ay suurto gelinkarto 16 ka agaasime ee loo qeybiyey 4 beel ay dhici karto in aysan kasoo bixi karin shaqadaas adag.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in 16 agaasime guud ee KGS ay dhammaantood yihiin kuwo aan ka bixin jaamacad islamarkaasna qabtay xil ka weyn kaas oo loogu talagalay dadka heerka jaamacadeed ah.

Aadan Zeytuuni.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com