Somaliland ”Saldhigga Bar bara ee Imaaraatka Carabta waxaa looga duulayaa dalka Yeman”

Barbara-(Caasimadda Online) – Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa ka dhisayso magaalada Barbara saldhiga militarey oo lagu mran sanyahay sharci ahaantiisa waxa ayna uga duuli doontaa dalka Yemen oo inta badan ay maamulaan kooxda Shiicadda ah ee Xuutiyiinta.

Baashe Cawil Cumar oo ah wakiilka maamulka soomaalilanad  u jooga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ay faa’ido badan ku qabaan saldhiga military ee dawlada Imaaraatku ka dhisay magaalada Bar Bara waxa uu sheegay in qorshaha ay ku jirto in saldhigaas looga duulo dalka Yemen.

“Imaaraatka Carabtu waxay saldhigaas noogu tababari doonaan ciidamadeena amaanka sidoo kalena waxay iyagu u adeegsan doonaan inay uga duulaan dalka Yemen” ayuu yiri  Baashe Cawil Cumar oo ah wakiilka Soomaaliland ee Imaaraatka Carabta.

hadalkaan ayaa sheegay  wakiilka maamulka Soomaaliland u jooga Imaaraatka Carabta Baashe Cawil Cumar sida maanta lagu qoray Bogga BBC da.

Dawlada Imaaraatku waxay qeyb ka tahay dawlado ay ciidamadoodu ku duuleen dalka Yemen ayagoo caawinaya dawlada la aqoonsanyahay ee Yemen.

Muuqaalo horey baraha bulshadda loogu baahiyay waxaa ka muuqanayay koox sheeganaysa inay Xuutiyiinta Yemen ka tirsan yihiin oo u goodinaya Soomaaliland haddii dhankooda laga soo weeraro.

Caasimada Online
Xafiiska Barbara
Caasimada@live.com