Kulankii BF ee xilka looga qaadi lahaa wasiir Xoosh oo qorshe culus lagu fashiliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta xildhibaannada golaha shacabka ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa kooram la’aan u baaqday, kadib markii kooramka uu shirka ku furmi lahaa ay ka dhinnaadeen 9 mudane.

Sida caadada ah kulanka ayaa la doonayey inuu furmo 9-ka subaxnimo, hase ahaatee kooramka oo la sugayey ayaa la gaaray 10-ka barqanimo.

Waxaa xarunta timid 130 xildhibaan, waxaana kooramka uu ku furmi lahaa 139 mudane, sidaasi darteed guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka C/weli Sheekh Muudey wuxuu ku dhowaaqay in kulanka uu u baaqday kooram la’aan.

Wararka ayaa sheegaya in qorshahan ay dejiyeen xildhibaano taageersan wasiir Xoosh, oo ka baaqday kulanka si uu u fashilmo.

Xildhibaannada ayaa waxay go’aan ka gaari lahaayeen wasiirka Dastuurka C/raxmaan oo horey uga cudur daartay kulan ay su’aallo ku weydiin lahaayeen xildhibaannada golaha shacabka.

Wasiir Xoosh ayaa tagay xarunta golaha shacabka isaga oo mid kamid ah Indhihiisa ay faashad ku duuban tahay, saakayna ka yimid magaalada Nairobi oo xaalad caafimaad uu u jirey, kadib markii ay xildhibaannada golaha shacabka u yeereen maalintii shalay ahayd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com