Madaxweyne Farmaajo oo maanta xil sare u magacaabay Tarsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa maanta xil sare uu u magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Digreeto  kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maanta oo Arbaco ah ayaa Tarsan loogu magacaabay la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Tarsan ayaa bilihii dhowaa aad uga dhowaa madaxtooyada Soomaaliya, waxaana marar badan lagu arkayey madaxtooyada.

Tarsan ayaa ka mid ahaa musharaxiintii madaxweynaha Soomaaliya ee ku mideysnaa isbaheysiga ka dhanka ah madaxweynihii xilka ka degay ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ku jiray heshiis dhigayey in la taageero musharax kasta oo rajo ka leh inuu ka adkaado Xasan Sheekh.

Waxa uu horey usoo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, wxaaana lagu yaqaan inuu yahay nin hadallo dhiiran oo aan xaqiiqda la gaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com