Xildhibaan sharci daro ku tilmaamay go’aankii golaha wasiirada xaquuqda ku siiyeen madaxweynihii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii golaha wasiirada ay ku gaareen magaalada Kismayo bilowgii bishii July, kaasoo golaha ku ansixiyeen xaquuq uu yeelanaayo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Ilyaas oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu arrintaas kaga hadlayo ayuu ku sheegay in ay tallaabadaasi ay ka hoobeneyd in loo caddaalad falo madaxweyneyaashii soo maray dalka oo aan si gooni ah xuquuq gaar ah loo siin madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo qmyskiisa.

Qoraalka ayaa u qornea sedan:

Maamuuska Madaxweyniyaashii Hore!

July 13keedi 2017 Shirkii Golaha wasiirada ee Kismayo lagu qabtey, waxaa lagu ansixyey Xuquuqda mid kamid ah Madaxweyniyaashii Dalka soo marey, Inkastoo aan qaraarkaasi weli si rasmi ah loo horkeenin 2da Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare midkoodna Nuqulka sharcigaas, oo ubaahnaan doona ansixin Baarlamaan iyo Saxiixa Madaxweyne Mohamed Abdulahi Farmaajo, ayaa hadana waxaa lagu sheegey war saxaafadeedka iyo qoraalo ay soo geliyeen barahooda qaar kamid ah wasiirada in uu u ogolaanaayo Madaxweynihii talada ka degey 8da February, Dastuurka Qodobkiisa 64aad taasoo ah arin aan sal iyo raad toona kulaheyn Dastuurka sida ku cad qodobkaasi kumana qorno Xuquuq uu yeelanaayo Madaxweyne hore iyo mid danbe koona.

Run ahaantii wey kumahadsanyihiin RW iyo Wasiiradiisu talaaabadaasi ay qaadeen, waxayna mudan yahiin in la bogaadiyo in dadkii talada dalka iyaga kaga horeeyey laga warqabo xaalkooda lana daryeelo noloshoodaba.

Hadana, dalkeenu intii Burburka dhacay waxaa soo marey Madaxweyniyaal kala duwan oo lagu soo doortey duruufo kala duwan, Kuwaas oo midba meel soo gaarsiiyey Marxaladihii Dalkeena, dhamaantoodna waxay mudanyihiin Karaamo iyo in loo Cadaalad Sameeyo laga soo bilaabo Madaxweyne Abdulqasim Salaad, Abdulahi Yusuf, Sheikh Sharif, iyo Hassan Sheikh oo ah Madaxweynaha keli ah oo ay Wasiiradu u ansixyeen Xuquuqda asaga iyo qoyskiisa, sida lagu sheegey warsaxaafadeedka Golaha Wasiirada, kuna cad miisaaniyada hada hortaala Golaha Baarlamaanka.

Hadaba maadaama aan cadeyn sida laga yeelaayo Madaxdii hore iyo Kuwa danbe ee soo socda, sharciga waxa uu u ogolaanaay, Waxaan soo jeedinaayaa in arintaasi dib loogu noqdo oo qaladaadka kujirana lasoo saxo, lana cadeeyo sharciyada iyo dhaqaalaha ku baxaayo inta uu la egyahay.

Mahadsanidiin.
Senator Ilyas Ali Hassan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com