Yuusuf Garaad oo warbixin ka qoray xukunka maanta ku dhacay 15-ka maxbuus

New Delhi (Caasimada Online) – 15 Maxbuus oo ka mid ah 118 – ka Maxbuus ee Soomaalida ah ee ku xiran magaalada Mumbai oo aan hadda joogo ayaa maanta ay Maxkamadi ku ridday xukun.

15 – ka maanta Maxkamadda la soo taagay waxaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah.

Waxay hore u xirnaayeen min 6 sano iyo bar.  Markaa xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ka harsan tahay 6 bilood oo xarig ah.

Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn.

Heshiiska shalay ay galeen Soomaaliya iyo India wuxuu qorayaa in aan maxaabbiista xabsigooda ay ka hartay 6 bilood wax ka yar aanuu saameyneyn heshiisku.

Aniga iyo wafdigeyga iyo safaaradda oo kaashaneyna Qareenka maxaabbiista oo ay dhalashadiisu Indian tahay, waxaan ka shaqeyneynaa tabtii ay ku suurta geli lahayd in 15-kan maxbuus ay ka mid noqdaan kuwa dalka lagu soo celin doono.

Kooxda xigta ee Maxaabbiista ah waxaa xukunku ku dhici doonaa maalinta Sabtida ah.

Xabsiga oo maanta aan soo booqannay, wixii aan kale kulannay qormo kale ayaan ku soo gudbin doonaa.

W/Q: Wasiirka A/Dibadda Somalia Yuusuf Garaad

Caasimada Online
Xafiiska New Delhi 
Caasimada@live.com