Kulankii BF oo sabab yaab leh u baaqday maanta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka baaqday kulan kale oo ka mid ahaa kalfadhigan 5-aad, kadib markii xildhibaanada ay badankood gooyeen.

Waxaa fadhiga maanta soo xaadiray 128 Xildhibaan, waxaana uu fadhiga ku furmi 139 Xildhibaan, taasi oo qasabtay in kulanka mar kale la baajiyo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in kulanka maanta uu u baaqdau Kooram la’aan sidaasna ku xiranyahay.

Kulanka maanta ayaa waxaa qorshuhu ahaa in ay aqrinta 2-aad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Ganacsiga Soomaaliya.

Howlwadeenada xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqna kulanka ay aadeen xafladda daah furka xisbiga Himilo Qaran oo ka dhaceysay hotelka Sahal.

“Waa wax yaab leh in dad shaqo laga sugayo iyo inay bad-baadiyaan umadda ay xaflad iska aadaan oo howshooda gabaan” ayey yiraahdeen howl-wadeennada xarunta baarlamanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com