Mareykanka oo faah-faahin ka bixiyey weerarkii lagu dilay saraakiisha Daacish

Garoowe (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in saddex ka mid ah Ururka Daacish ay ku dhinteen duqeyn uu ka geystay Gobolka Bari gaar ahaanna Buuraleyda Golis.

War qoraal ah oo ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish laguna dilay saddex ka mid ah Ururkaas.

Qoraalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in faah faahinta iyo baaritaanka Weerarkaas uu socdo, waxaa kale oo lagu sheegay in uusan jirin khasaare dadka rayidka ah.

Waxaa Qoraalka lagu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya islamarkaana looga gol lahaa in Daacish looga hortago weerarradeeda gudaha Soomaaliya.

Duqeynta shalay ayaa waxaa ay ka dhacday Ceel Biyood ku yaalla inta u dhaxeysa Cameyra iyo Timirshe oo ka tirsan Degmada Isku shuban ee Gobolka Bari.

Weerarka shalay waxaa uu daba socday weerarkii 14kii Bishan ka dhacay isla Gobolkaas laguna dilay hoggaamiye ku xigeenkii Daacishta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com