Sidee maxkamadii maanta ee COLDOON u dhacday?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon markii labaad la hor geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex .

Wariye Coldoon ayaa muddo ku siman 10-cisho u xidhan xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi, Isagoo markii u horeysay ee la horgeeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex, uu Gudoomiyaha Maxkamadaasi ku amray ciidankii soo qabtay inay dib ugu celiyaan gobolkiisi Togdheer.

Balse Maxkamada gobolka ee maanta lasoo taagay Wariye Coldoon ayaa daba socoto kadib markii uu Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland uu soo saaray go’aan ah in dacwada ka dhanka ah Coldoon lagu qaado maxkamada gobolka Maroodi-jeex, kadib markii Xeer ilaalintu ku andacootay arrimo la xidhiidha dhinaca amniga.

Eedaymaha loo haysto Wariye Coldoon ayaa saaka qaar kamida laga hor-jeediyey fadhigii saaka lagu dhageysanayey dacwada sida uu sheegay garyaqaanka u doodaya Wariye Coldoon.

Garyaqaan Mubaarik Cabdi oo ah garyaqaanka u doodaya Wariye Coldoon, ayaa soo saaray qoraal uu kaga waramayo sidey saaka wax u dhaceen, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa:

“Saaka subaxii waxa markii labaad la hor keenay maxakamada Gobolka maroodi jeex suxufi Abdilmalik Musa Coldoon Booliskuna waxay soo bandhigeen Eedaha ay dawladu u haysato suxufiga oo dhamantood ah qoraalada uu facebooka ku qoro sida hal ku dhiga Taliska Muuse biixi iyo taliskani wuxuu haya tabtii talisyadii hoogay, waxa cajiibka ah ee eedaha aan caqliga ku dhisnayn kamid ah Sawirka madaxweynaha iyo sawirka Cabdi iilaygii jigjiga oo uu qoraal ku dul qoray, iyo Warbixin madaxweynaha laga diyaariyay xilligii u mudaharaadi jiray iyo hada sida aanu u jeclayn madaxweynuhu in la mudaharaado.

Qoraal uu facebookiisa ku qoray buu idhi laba taliye oo xanuunsaday baa cusbitaal ba la geeyay tiina waa loo xidhay>

Coldoon Eheladiisu maxakamada damaanad bay u weydiiyeen si uu debada iskaga joogo intay dacwadiisu socoto maxakamaduna dalabkoodi way ka diiday walow ay ku sababaysay qodobada hor dhaca ahi inaanay lahayn Damaanad.

FG: Wali dacwad rasmi ah laguma Soo oogin balse waa eedaha hor dhaca ah waxaanay saamaynayaan xoriyada hadalka iyo inuu qofku si xor ah u cabiri karro Aragtidiisa isagoon cabsi qabin”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com