Kulankii maanta ee Muuse Biixi iyo Mucaaridka oo ku soo dhamaaday fashil

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Hogaanka xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kulan ku yeeshay Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo lagaga wada-hadlayey arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Kulankaasi ayaa maanta gebi ahaanba ku soo dhamaaday fashil, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu ku gacan sayray kala dirida Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland, isla markaana uu ka hor-yimid soo celinta Komishankii hore ee waqtigiisu dhamaaday.

Ciro ayaa diidmada Biixi ee kala dirista Komishanka ku micneeyay mid uu Madaxweynuhu ku diidayo fulinta go’aamadii guddigii dhex-dhexaadineysay Mucaaridka iyo xukuumada uu hogaamiyo.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Ciro oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Madaxweynaha waxaanu ka filaynay wixii u qabsoomay laakiin, wuxuu gunaanadkiisii noqday in aanu fulin karayn kala diriska Guddida Doorashooyinka ee hadda jooga arrintaas oo uu ka gacan taagtay in uu fuliyo, taas oo macnaheedu yahay in aanu fulinayn go’aammadii guddida dhexdhexaadinta”

Wuxuuna intaas kusii daray “labada xisbi waxay ugu baaqayaan Komishanka hadda jooga si ay dalka uga qabsoonto doorasho wakhtiga ugu dhakhso badan ee suuro galka ah iyaga oo u tudhaya dalkooda in ay iscasilaan ayaanu ugu baaqayna. Labada xisbina waxay u caddaynayaan una soo jeedinayaan Guddidii Dhexdhexaadinta, Beesha Caalamka iyo Bulshada Somaliland in doorka ay ku leeyihiin ka qaataan hawshan”.