Ramaax oo xoriyadiisi ku helay damaanad maanta

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Ucid, Maxamuud Cali Ramaax ayaa maanta dib u helay xoriyadiisi kadib muddo ka badan saddex todobaad oo uu ku xirnaa xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa.

Xoghaye Ramaax ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa kadib markii damaanad lagu sii daayay sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan xibsiga mucaaridka ah ee Ucid.

Maxamuud Cali Ramaax ayaa loo xidhay dacwad uu ka soo gubdiyey Guddoomiyaha wakiilada Somaliland, oo uu hore ugu eedeyay inuu xidhiidh la leeyahay guddoomiyuhu cadowga Somaliland.

Guddoomiye Baashe ayaa ka laabtay dacwadaasi uu ka gudbiyey Ramaax, iskana cafiyay, inkasta oo ilaa hadda aysan cadeyn sababta rasmiga ah ee uu Ramaax ugu jiray xabsiga mar hadduu cafiyay Mas’uulkii ka dacwoonayey.

Xukuumada Somaliland ayaa inta badan waxa lagu dhaliila in dhanka Garsoorka iyo Ciidamada ay u isticmaasho sida ay rabto, isla markaana ay ka talaabsato sharciga u dagsan.