Kulankii Xasan iyo Deni ee Gaalkacyo oo baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii dhawaan la filayay inay magaalada Gaalkacyo ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa baaqday, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka baaqday socdaalkii uu ku imaan lahaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu ku maqan yahay dibadda ah, sidoo kale waxaa sidaas ku baaqday kulankii la filayay in xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka ah iyo Puntland

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Saciid Deni oo hadda ku sugan magaalada Nairobi uu toos u aadi doono caasimadda Puntland ee Garoowe.

Khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamulka Puntland oo gaaray meeshii u sareysay ayaa weli xal siyaasadeed laga gaarin, inkasta oo kal hore Villa Somalia ay shaacisay in ay socdaan wada-hadallo hoose oo lagu xalinayo arrintaasi, lamana oga illaa hadda halka ay ku dambeeyeen.

Puntland ayaa hadda u dhaqanta sidii dowlad madax banaan oo kale, ayada oo aan ka qeyb-gelin kulamada ay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada.

Dowladda federaalka oo ayaa iyaduna haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa dooneysa inay wax ka beddal ku sameyso siyaasadeeda, si ay hoos ugu dhigto khilaafaadka ka jira deegaanada qaar iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta guluf dagaal oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan, waxaana uu hadda ka socdaa gobollada dhexe.