Kulankii Xasan Sheekh iyo Deni oo aan wax natiijo ah laga soo saarin + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay Muqdisho kadib markii uu maalmo ku sugnaa magaalada Garoowe, halkaasi oo uu kulamo dhowr ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Natiijada kulamada labada masuul ayaa illaa iyo hadda laga soo saarin war rasmi ah marka laga reebo qoraal kooban oo lagu daabacay barta Villa Somalia, kaasi oo lagu sheegay in labada madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta wada-shaqeynta hay’addaha dowladda, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Waxaa xusid mudan in kulamada ay ahaayeen kuwo si gaar ah u dhex-marayay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, islamarkaana laga reebay dhamaan wasiiradii la socday madaxweyne Xasan iyo kuwa Puntland, sida uu sheegay Sakariye Maxamed Isticmaar oo kamid ah dhinacyadii uu Xasan Sheekh kula kulmay magaalada Garoowe.

Sakariye Isticmaar oo la hadlay warbaahinta gudaha qaarkood ayaa sidoo kale xusay in kulanka labada madaxweyne looga hadlay arrimo u gaar ah, sidaas darteedna loo ogaan waayay waxyaabihii ay ka wada-hadleen, isaga oo xusay inaysan jiri doonin wax war-saxaafadeed ah oo ay kasoo saari doonaan kulankooda.

“Labada Madaxweyne ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ma aysan soo bandhigin wax ajendo ah oo ku saabsan kulamadoodii, maadaama aysan jirin khilaaf xoogan oo xiligaan ka dhex-jiray dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka Puntland,” ayuu yiri.

Caasimada Online oo la xiriirtay Villa Somalia ayaa mas’uul ka tirsan waxa uu sheegay inaysna jirin khilaaf iyo colaad markii horeba u dhaxeysay labada dhinac, sidaas darteedna aysan jirin baahi loo qabo war-murtiyeed.

“Madaxweynaha wuxuu Puntland u tegay inuu kala hadlo wada-shaqeynta labada dhinac, iyo xoogaa tabasho ah oo jirtay uu ka qanciyo, mana jirto baahi loo qabo war-murtiyeed,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Caasimada Online. 

Marka laga imaado kulamadii ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweyne dowlad-goboleedka Puntland ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Puntland ay ka aqbashay madaxweyne Xasan inay martigeliso shir wada-hadal oo ay iskugu imanayaan madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Si kastaba, Madaxda Puntland ayaa hore u sheegay inaysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo, ayaga oo maamulka Xasan dusha u saaray “wada-shaqeyn la’aan”.