Muddo korarsigii Lafta-gareen oo ku dhow inuu meelmaro

Baydhabo (Caasimada Online) – Saddex bilood ayaa ka dhiman muddo xileedka sharciga ah ee hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Sida uu yahay sharciga iyo isla ogolka dadka deegaanka, bisha December ee sanadkaan waa inay Koonfur Galbeed ka dhacdaa doorasho, laakiin iyadoo ay sideed bilood dhiman tahay ma muuqdaan wax dhaq-dhaqaaq doorasho ah.

Kal hore baarmananka Koonfur Galbeed waxay jideeyeen in la is waafajiyo muddo xileedka hoggaamiyaha maamulka iyo midka baarlamaanka oo is dhaafsanaya, laakiin saamileeda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed waa qaadaceen arrintaas.

Go’aankaas wuxuu sidoo kale liddi ku yahay dastuurka heer federaal kaasoo qasab ka dhigaya is-waafajinta muddo xileedka hey’adaha la doorto ee labada heer dowladeed waa federaalka iyo maamul goboleedyada.

Lafta-gareen ayaa hadda hoos isaga dhigay macaamilka Villa Somalia, wuxuu ku xirtay Itoobiya inkastoo weli taasi aysan si buuxda u dhaqan gelin.

Dhawaan khabar faa’iido u noqon kara Cabdicasiis Laftagareen ayaa kasoo yeeray magaalada Kismaayo, waana inuu Axmed Madoobe qaatay hal sano oo muddo kororsi ah.

Wuxuu noqday Axmed Madoobe hoggaamiye goboleedkii seddexaad ee sameysta sanad dheeri ah. Tallaabada Axmed Madoobe oo kaliya ma ahan caawimaada Laftagareen ee waa sida Villa Somalia isaga indha tireyso waxa Kismaayo ka dhacay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka aamusay ficilka muddo kororsiga ah ee hoggaamiyaha Jubbaland.

Wasaaradda amniga gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa iyaduna ka dhuumatay qadiyadaan. Ra’iisul wasaare Xamza isaga si gaar ah ayey taabaneysaa arrintaan maadaama uu yahay reer Jubbaland.

Siyaasiyiin kasoo jeedo Jubbaland oo qaadacay tallaabada Axmed Madoobe ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqay inay cadeyso mowqifkeeda ku aadan arrintaan, laakiin ma jirto cid illaa hadda u jawaabtay.

Haddaba aamusnaanta Villa Somalia ee tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe ma caawin doontaa Laftagareen, ayaa kamid ah su’aalaha miiska yaalla.

Waxaa jiray warar hore oo sheegayey inaysan kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ku qanacsaneyn muddo kororsiga uu isku dhajinayo Laftagareen, balse hadda uma bareeri karaan kaligiis.

Laftagareen wuxuu tallaabada muddo kororsiga qaaday intii ay jirtay dowladda hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidaas darteed farriinta koowaad ee Xasan Sheekh ee diidamada muddo kororsiyada socda kama billaaban karto Laftagareen, ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Haddii ay dowladda xilka joogto diidan tahay muddo kororsiyada sharci darrada ah, farriintooda koowaad aa inay ka hadashaa tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe, ayey intaas ku darayaan dadka lafa  guraya qadiyadaan.

Dowladda  federaalka ah ee Soomaaliya haddii aysan diidin muddo kororsiga Axmed Madoobe maalmaha soo aadan waxay ka dhigan tahay in Laftagareen ay sidaasi ugu xalaaloobi doonto halkiisa sano.