Cadaado (Caasimadda Online) – Kulan ay isugu imaadeen 65 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa la isku afgartay in dib loo dhigo cod qaadis lagu doonayey in xilka looga qaado Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Ujeedka Kulankaas ayaa lagu sheegay inuu ahaa sidii xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka  Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Carabey oo labaduba diiday waanwaantii ay Cadaado ka sameyn rabeen Xildhibaanada labada aqal ee Cadaado ku sugan kuwaas oo ku dhawaaqay inay dowladda Soomaaliya ku talagshay inay burburiso Maamulka Galmudug.
Sida uu Dastuurka Galmudug qabo, kooramka lagu furi karo kulanka Baarlamaanka Galmudug ayaa ah 46 Xildhibaan halka xilka looga qaadi Karo madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu yaraan 49 Cod.
Wararka ayaa sheegayo in Madaxweyne Xaaf uu isugu wacay Xildhibaanada taageersan, isagoo u sheegay inay lama huraan tahay inay difaacaan sababta ay Xildhibaan u yihiin oo ah inay u adeegaan danaha iyo rabitaanka Shacabka Galmudug.
Xaaf ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka ay qorsheystaan inay dumiyaan maamulkooda iyagoo ka shidaal qaadanayo Musharaxii la tartamay Axmed Shariif ee la sheegay inuu qalalaaso  ka wado Magaalada.
Dood dheer kadib oo howlka Baarlamaanka ku dhex martay Xildhibaanada 65 ah iyo Madaxweyne Xaaf ayaa la isku afgartay in Saxaafadda la isugu waco isla markaasna si  toos ah dhammaan Tv-yada Soomaaliyeed cod loogu qaado in xilka laga qaadayo labadaas Mas’uul ee diiday inay gutaan waajibaadkooda Shaqo.
Waxaa la isugu wacay Saxaafadda ku sugan Magaalada Cadaado, markii howsha la bilaabi rabay ayaa waxaa kusoo baxay XIldhibaanada labada aqal ee halkaas ku sugan waxayna ka codsadeen in la joojiyo kulankaan xilka looga qaadayo Mas’uuliyiinta.
Waxay Xildhibaanada xalka u aado Cadaado sheegeen in la joojiyo kulankaan, lana sugo ilaa berri subixii maadaama ay sheegeen inay rajo yar ka qabaan inay mowqofkooda kasoo laabtaan.
Waxay sheegeen Xildhibaanada laba aqal in la sugo ilaa berri, markaas kadibna ay u fasixi doonaan in si xalaal ah oo loo wada jeedo loo qabto xil ka qaadistaas.
Madaxweyne Xaaf oo ka hebeysanaya Mas’uuliyiinta Galmudug laga soo doortay ayaa aqbalay codsigooda, wuxuuna u sheegay inuu mar kasta diyaar u yahay qaadashada talooyinka iyo go’aanada ka imaado Xildhibaanadaas oo dhammaantood kasoo jeedo deeganada Galmudug isla markaasna u badan kuwii markii hore ka shaqeeyey inay dadka Walaahaha ah wax isku darsadaan.
Kulankii ayaa ugu dambeyntii dib loo dhigay, waxaana laga war sugayaa Xildhibaanada laba aqal oo berri go’aan kama dambeyn ah soo saari doono kaasoo Xaaf loogu ogolaan doono inuu cod geliyo xil ka qaadistaas iyo in kale.
Xildhibaanada 65 ah ayaa lasoo sheegayaa inay caawa ku hoyanayaa Xarunta Madaxtooyada iyo howlka Baarlamaanka Galmudug, waxaana laga yaabaa in berri barqadii xil ka qaadis sharciga waafaqsan isla markaasna saxaafada loosoo bandhigayo tirada rasmiga lagu sameeyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xaaladda Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa caawa ku jirto jawi ka duwan midkii xalay  maadaama laga dareemayo nabad iyo xasilooni isla markaasna dhinacyada Magaalada sugan ay isku raaceen in Magaalada ay ahaato xasilooni iyo amaan.
Hareeraha Magaalada ayaa la dajiyey Ciidamo badan oo looga dhisay halkaas teendhooyin, waxaana la sheegay inay Magaalada ka difaacayaan inay soo galaan Xildhibaano la sheegay inay lacag kusoo qaateen duminta Maamulkaas kuwaas oo awoodi waayey inay kasoo dagaan Garoonka Diyaaradaha oo isna si rasmi ah uu u xiray Madaxweyne Xaaf.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah waxaana xusid mudan in Caawa intaas lagu hakiyey dhaqdhaqaaqa siyaasadeed oo ay wadaan Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaanada taageersan sidaas ayaana lagu kala hoyday.