Maxay tahay sababta keentay inuu Afyaheenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye  ka aamuso xiisadda Galmudug?

Cadaado (Caasimadda Online) – Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo looga bartay inuu mar kasta ka hadlo dhibaatooyinka ka dhaco Magaalada Cadaado , waxyaabaha maamulkaas kasoo cusboonaado Galmudug iyo Arrimaha Beesha Hawiye ayaan weli ka hadlin xiisadda colaleed iyo midda siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Galmudug.

Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye oo deegaan ahaan kasoo jeedo Magaalada Cadaado ayaa waqti kasta ka hadli jiray arrimaha khuseeyo deegaanada uu madaxda u yahay, maadaama Galmudug ay kamid tahay meelaha ay dagaan beelaha Hawiye.

Ilaa hadda ma caddo sababta keentay inuu Axmed Diiriyo arrintaan ka aamuso, sidoo kalana si rasmi ah uma caddo dhinaca uu la safan yahay garbaha isku hayo Maamulka Galmudug ee isugu jiro kuwa ka shaqeenayo badbaadinta Maamulkaas iyo kuwa rabo inay dumiyaan.

Xogta hoose oo aan heleyno ayaa sheegeyso Inuu Axmed Diriye xiriir fiican la leeyahay dowladda Soomaaliya isla markaasna la laaluushay oo uusan diyaar u aheyn inuu arrintaan ka hadlo inkastoo aan si rasmi ah loo hubin sababta uu la aamusan yahay iyo haddii uu qorsheenayo inuu dhawaan ka hadlo.

Waxyaaba lagu xasuusto ee uu Axmed Diiriye ka hadlay

  1. Markii Maamulka Ahlu Sunna ay ku duuleyn Cadaado,  wuu ka hadlay wuxuuna ugu baaqay inay cadaado u baahan tahay badbaadin

2. Markii siyaasiyiin badan ay cadaado ku tilmaameen inay tahay meel argagixisadu ku badah tahay, si weyn ayuu uga hadlay wuuna difaacay magaaladiisa, hadalkiisana wuxuu keenay inuu Sheekh Shariif boogasho ku tago halkaas si uu u muujiyo inay Cadaado tahay meel dagan oo aan argagixiso doonin.

3. Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimo badan oo khuseeyo Beesha uu xilka u hayo, wuxuuna noqday hadalkiisa mid saameyn yeeshay oo wax badan u taray Beesha Hawiye, isla markaasna ay taariikhda xusi doonto.

Ugu dambeyntii waxaa la is waydiinayaa: maxay tahay sababta uusan ilaa hadda uga hadlin falka lagu doonayo in lagu dumiyo Maamulka Galmudug oo uu qeyb ka ahaa dadkii sameeyey? Mise xilkaas wuu iska casilay?, haddii uu Axmed Diiriye maqlayo Su’aashaan waa inuu kasoo jawaabo.