Kullankii Xasan Sh. iyo Hawiye oo lagu kala kacay iyo xiisad ka jirta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kullan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirada iyo xildhibaanada Hawiye xalay ku dhex maray Villa Soomaaliya ayaa soo dhammaaday, sida warar nasoo gaaray ay sheegayaan.

Kullanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ka danbeeyey kadib markii Odayaasha Hawiye ay ku dhawaaqeen in ay si cad uga soo horjeedaan aqoonsiga Maamulka Saddexda Gobol la siiyey oo uu ka dambeeyey ra’iisul wasaare Cabdi Weli Yuulka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo ka mid ah Wasiirada kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in xubnihii beelaha Hawiye ay runta u sheegeen madaxweynaha.

Xasan Sheekh, ayaa ka codsaday xubnaha Hawiye ee dowladda inay ka laabtaan shaqo joojinta, ayna dejiyaan xiisadda ka kcsan Muqdisho, oo iminka laga cabsi qabo inay meel xun gaarto.

Xubanaha Hawiye waxa ay ugu digeen Xasan Sheekh in dowlada Soomaaliya ay ka laabato go’aanka ay ku aqoonsatay maamul ku sheega sadexda Gobol oo ay ka soo horjeedaan beelaha Hawiye.

“Ma yeeli karno in gobol badankiisa Hawiye degan yahay la raaciyo meel kale” ayaa lagu yiri Xasan Sheekh.

Waxa ay xildhibaanada Hawiye ku adkeysteen mowqifkooda, waxayna Xasan Sheekh u sheegeen inuu dadkiisa dhaasaday kursi, uuna hadda yahay nin ka hooseeya Cabdi Weli, oo u muuqda ninka ugu awooda badan DF.

Dhinaca kale xiisad xooggan, ayaa ka jirta Muqdisho, waxaana jira in ciidamada Hawiye ee ku jiray dowladda ay gooni u baxeen, islamarkaana maleeshiyooyin hore oo ka tirsanaa beelaha Hawiye ay dib qoryaha u qaadanayaan.

Waxaa jirta cabsi xooggan, oo ku saabsan in laga yaabo in beelaha Hawiye ay qaadaan dagaallo xooggan, oo ku wajahn gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah, oo ay sheegeen inay ayaga deegaan u lee yihiin, dibna gacanta ugu dhigayaan.

Dowladda Somalia, oo arrintan fududeysatay ayaa iminka waagu ka baryay, waxaana la sheegayaa in Amisom ay isku dayeyso inay qanciso beelaha Haiwye, ayada oo ka cabsi qabto in dagaallo xooggan ay dhacaan.

Saaka aroortii ayaa maleeshiyooyin Hawiye waxa ay isku fidiyeen deegaano badan oo ka trsan Sh/Hoose, ayaga oo kuwa kalena ku socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com