Xog: Puntland oo dhex dhexaadineysa Col. Barre Hiiraale & Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee maamulka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay intii ay ku sugnaayeen degmadaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in kulamo kala duwan ay la qaateen dhinacyada ku dagaalamay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayna isla garteen sidii arintaasi loo dhameyn lahaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulamadaasi ay ahaayeen kuwo ay ka qeyb galayaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Kismaayo, iyadoo ay sugayaan Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Waxa uu sheegay inay wadaan dadaallo la isugu soo dhoweynayo hogaamiyaha jabhadda Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale, oo kasoo horjeeda.

Ma cadda sida Puntland ay taasi ugu guuleysan karto, ayada oo marar badan lagu eedeeyey inay kow ka tahay mashaqada ka taagan gobollada Jubbooyinka, ayna marar badan labadaas dhinac madaxa isku gelisay.

 Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com