Boosaaso (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee Puntland ayaa maanta shaaciyey jadwalka 16 kursi oo qayb ka mid ah kuraastii ugu horreeyey ee ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Kuraasta uu jadwalkooda doorasho soo saaray guddiga ayaa kala ah; HOP#220, HOP#169, HOP#076, HOP#149, HOP#157, HOP#142, HOP#227, HOP#190, HOP#228, HOP#234, HOP#273, HOP#083, HOP#222, HOP#036, HOP#027 iyo HOP#158.
“Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed (SEIT Puntland) oo fulinaya waajibaadka Qaran iyo heshiisyadii doorashada ee Madasha Qaranka, wuxuu halkaan kusoo gudbinayaa jadwalka qabashada doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha Shacabka dowladda federaalka Somalia 2022 doorashadoodu ka dhaceyso Boosaaso,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Doorashada 16-ka kursi ayaa waxay dhaceysa 5 illaa 6 Maarso, ayada oo Guddiga uu bilaabi doono 2-da Maarso diiwaan-gelinta, hubinta iyo tababrka ergooyinka soo xulaya kuraastaas.
Sidoo kale guddiga ayaa 3-da Maarso qaban doona araajida iyo Diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya kuraastaas, ayada oo shahaadooyinka la siin doono musharaxiinta soo buuxiyay shuruudaha maalin ka hor bilowga doorashada.
Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markale qorshuhu yahay in lasoo gaba-gabeeyo 15-ka bisha soo socoto Maarso, sida ay dhowaan isku raaceen xubnaha Golaha Wadatashiga.