Kurdishka oo ka baxay Ra’sul Cayn iyo askarta Mareykanka oo u tallaabay dalka Ciraaq

Ra’sul Cayn (Caasimadda Online) – Dagaalamayaal ka tirsanKurdiyiinta Siiriya ayaa ka baxay magaaladda go’adoonsan ee Ra’sul Cayn, waana dib u gurashadii u horeeysay tan iyo markii heshiis xabad joojin ah la gaaray khamiistii laso dhaafay.

Afayeen u hadlay xoogaga SDF Kino Gabriel ayaa sheegay in Kurdiyiinta aysan ciidan uga harin magaaladda Ra’sul Cayn silamarkaaana la daad gureeyay.

Balse maleeshiyaad ay taageeyaan ciidaka Turkiga ayaa ku gacan sayray hadalka Kurdiyiinta waxayna sheegeen in qaybo magaaladda ka mid ah ay Kurdiyiintu joogaan, sida ay warisay Reuters.

Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in ku dhawaad 86 gadiid ah oo siday dagaalamayaaal Kurdiyiin ah ay magaaladda ka baxeen waxayna tageen magaalo 40 KM u jirta Tal Tamiir.

Dhanka kale Ciidamada Mareykanka ayaa maanta u tallaabay dalka Ciraq, taasi oo qeyb ka ah ka bixitaankooda waqooyiga Syria ee uu amray madaxweyne Donald Trump ee dhabbaha u xaaray weerarkii ciidamada Turkiga ay ku qaadeen.

Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa arkay in ka badan 100 gaari oo ka gudbaya waqooyiga bari ee dalka Syria, halkaas oo Turkiga ay ogolaadeen inay joojiyaan howl-galkii ay ka wadeen kadib heshiis xabad-joojin ah oo dhex maray Washington iyo Ankara.

Xoghayaha gaashaandhigga, Mark Esper ayaa sabtidii sheegay in dhammaan 1,000 askari ee Mareykanka ah ee ka baxaya waqooyiga Syria ay u gudbi doonaan galbeedka Ciraq, halkaasi oo ay kasii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Daacish, “si ay gacan uga gaystaan difaaca Ciraq”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com