Meydka taliyihii ciidamada kumaandooska Gorgor oo aan weli la aasin + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa aan weli la aasin Meydka taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya, kaas oo saddex habeen ka hor lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday agagaarka Ex Naasa Hablood labo ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in weli uu maran ka taagan yahay sababta keenta dilka taliyahaasi oo lala toogtay askari ilaalo u ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulan dhexmaray ehellada taliyaha iyo wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Qaar ka mid ah ehellada Marxuumka ayaa inoo sheegay in wasiirku bixiyey jawaab aysan ku qansin, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in Meydka aysan aasi doonin inta ay dowladdu ka cadeyneyso sababta keentay dilka Marxuumka.

Dhinaca kale taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa horay u sheegay in dhammaan la xiray askartii ku sugneyd koontaroolka lagu dilay taliyihii ciidanka Gorgor.

Maxaadey Suleymaan Eebakar ayaa ahaa shaqsi dhaliyaro ah oo firfircoon, waana sarkaalkii hoggaaminayey howlgalkii lagu qabtay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com