Seoul (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo haatan ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta kulan gaar ah dhiggiisa, Han Duck-soo, kaas oo ballan-qaad culus u sameeyay Soomaaliya.
Ugu horreyn labada dhinac waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.
Inta uu kulanka socday waxay sidoo kale labada ra’iisul wasaare isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.
Xamza waxaa kulankan ku wehlinayay qaar kamid ah golihiisa wasiirada oo qayb ka ah wafdigiisa, waxayna ra’iisul wasaare Han Duck-soo iyo dowladdiisa ay ka codsadeen inay ku gacan siiyaan arrimaha hortabinta u leh xilligan dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay u bandhigeen fursadaha haatan ka jira Soomaaliya, maadaama ay isku diyaarineyso maalgashi caalami ah, kadib guushii wayneyd ee laga gaaray deyn cafinta dalka.
Ra’iisul wasaaraha Kuuriyada Koonfureed oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa ballan-qaad culus u sameeyay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu gacan ka siin doono horumarinta adeegyada muhiimka ah ee Soomaaliya, si bulshada Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan.
Ra’iisul wasaare Xamza oo horay ula kulmay madaxweynaha hey’adda horumarinta caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) CHANG, Won Sam ayaa kala hadlay arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.
Sidoo kale Xamza ayaa ka warramay muhiimadda uu dalkeennu u leeyahay is-beddelka dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 30 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).
Si kastaba, Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa la tegtay qorsheyaal cad oo qeyb ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-soo kabashada dalkeenna, kuwaas oo ay gacan ka geysan doonto dowladda Kuuriyada Koonfureed.