Sanad kadib oo dad loo soo qabtay dilkii Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa haatan gacanta kusoo dhigay qaar kamid ah shaqsiyaadkii ka dambeeyay dil sanad kahor ganacsato loogu gaystay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulkaasi.

Ganacsatada la dilay oo labo ahaa ayaa kasoo jeeday magaalada Cadaado, waxaana lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed, ayada oo loo dilay aano qabiil darteed.

Laamaha amniga ayaa sheegay in dad ku eedeysan dilka labada marxuum ay soo galeen gacantooda laguna xiray saldhigga booliiska Dhuusamareeb, isla markaana si deg dega ah loo horgeyn doono cadaaladda

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen inay ku raad joogaan shaqsiyaad kale oo baxsad ah oo iyana ku dhuumaaleysanayo deegaano hoostaga magaaladaasi.

Soo qabashada eedeysanayaasha soo galay gacanta Galmudug ayaa waxaa ku farxay ehellada marxuumiinta oo sanad sugayay cadaalad iyo in lasoo qabto dambiilayaasha.

Dhacdadan ayaa si wayn looga dareemay Galmudug, waxaana ka dhashay cabsi xoogan, maadaama caasimadii Galmudug dhexdeeda aano qabiil loogu dilay ganacsato aan waxba galabsan.

Labada ganacsatada ah ee la dilay ayaa kamid ahaa dadka ugu magaca dheer ee magaalada, iyada oo dilkooda uu abuuray cabsi dhinaca amniga magaalada ah.

Si kastaba, dilalka la xiriira aanada qabiil ayaa ah mid soo jireen ah marka loo eego guud ahaan Soomaaliya.