Kyiv oo lagu arkay taangiyada Ruushka xilli Moscow ay ka dhinteen 450 askari

Kyiv (Caasimada Online) – Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya Taangiyada Ruushka oo dhex mushaaxaya waddooyinka waaweyn ee caasimadda Kyiv.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa xaqiijisay iney gudaha u galeen mid ka mid ah degmooyinka deegaanka ee Magaaladaasi.

Sawirka ayaana u muuqda mid uu qaaday qof ka mid ah shacabka magaaladaasi deggan. BBC waxay xaqiijisay muuqaalkaasi inuu yahay mid sax ah oo laga soo qaaday gudaha magaaladaasi.

Dhanka kale Xoghayaha Gaashandhigga UK ayaa sheegay dagaalka Ukraine iney Ruushka kaga dhinteen 450 askari.

Bell Wallance oo u warramayey idaacadda Radio 4 wuxuu sheegay ciidamada Ruushka in dagalkaasi looga dilay ay ku ogaadeen xog sirdoon oo ay heleen.

“Ruushka wuu fashilmay maxaa yeelay Putin wuxuu iisu haystay xoreeye balse rabitaankiisa uma rumoobin.”

Wuxruna intaa ku daray ciidamada Ruushka iney ku hungoobeen qabsashada gigada diyaaradaha ku yaalla Waqooyiga Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenesky ayaa sheegay weerarka uu Ruushka maalinti shalay ahayd uu ku soo qaaday in lagu dilay ugu yaraan 137. madaxweynuhu wuxuu sheegay dadkaasi iney isugu jiraan askar iyo dad rayad ah.