La-dagaalanka Musuqa oo sii xoogeystay & DFS oo Saraakiil & Ciidamo hor leh u xirtay Musuq-maasuq (Tirada)

Muqdisho (Caasimda Online)-Dowlada Somalia ayaa weli ku guda jirta xirxirista shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku kaceen falal musuq-maasuq ah kuwaa oo muddo bilo ah lagu hayay baaritaano qarsoodi ah.

War kasoo baxay Taliska Booliska Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in la xiray Saraakiil iyo ciidamo hor leh kana tirsan Booliska loo xiray musuq-maasuq ay ku kaceen.

Saraakiisha iyo ciidamada loo xiray musuqa ayaa waxaa kiiska musuqa kusoo oogay taliska, iyadoo markii danbe kiiskooda ay la wareegtay Waaxda dambi-baarista qeybta Booliska.

Musuqa ayaa waxaa loo xiray Saraakiil iyo Ciidamo dhan 28 kuwaa oo dabagal lagu hayay muddo asbuucyo ah.

Taliye ku-xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi, ayaa xaqiijiyay in Saraakiisha iyo ciidamada ay hadda yihiin kuwo u xiran CID-da, isla markaana lagu hayo baaritaano kala duwan.

Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha looga hortagayo falalka la xiriira musuq maasuqa, isla markaana 28 isugu jira Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iminka loo gudbiyay Xabsiga dhexe baaritaana uu ku socdo.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaa xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran askar iyo Saraakiil gaareysa 28 kuwaasi oo ku eedeysan eedeymo ku saabsan dhanka musuq maasuqa iyo amar diido, caqabad ku aheyd shaqada Ciidamada Booliska Somaliyed.”

Saraakiisha iyo ciidamada u xiran musuqa ayaa lagu eedeeyay in dad shacab ah ay ka qaaten lacago laaluush ah.

Dhinaca kale taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi ayaa ugu digay Shacabka Soomaaliyeed in Saraakiisha iyo ciidamada u horseedan qaadashada lacagaha laaluushka.

Caasimda Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com