Hargeysa: Xog dheeraad ah oo laga helayo xariga mas’uul ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa weli ku jira gacanta maamulka Somaliland kadib markii lagu dhex qabtay magaalada Hargeysa.

Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa laamaha amaanka u xiran maalintii labaad, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in lasoo taagayo Maxkamad.

Saraakiisha amaanka ayaa Cabdiqani Yaasiin Maxamed ka wareysanaaya ujeedka uu u gaaray Hargeysa, waxaana lagu eedeeyay inuu macluumaadka Somaliland uu u gudbinaayay dowlada Somalia iyo in amar la’aan uu galay magaalada.

Hay’adaha ammaanka ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin xadhiga mas’uulkan, hase yeeshee warar xog ogaal ah ayaa sheegay in Cabdiqani Yaasiin Maxamed ay ciidanka boliiska ee Hargeysa ka soo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay xidheen.

Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay Soomaaliya waxaa loogu xiray Hargaysa, ayadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aysan raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda.

Dhawaan ayey ahayd markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) loo xiray kulan dhaqameed uu uga qayb galay Puntland.

Waxaa ka sii horraysay Naciima Abwaan Qorane oo iyadana muddo ku xirnayd xabsi ku yaalla Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com