La-taliyaha amniga qaranka oo u jawaabay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa baaq bani-aadanimo kasoo saaray xaalada abaaraha ee ka taagan dalka, kaasi oo u diray kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Xuseen ayaa waxa uu Al-Shabaab ugu baaqay inay joojiyaan hor istaaga shacabka kasoo qaxaya macaluusha ee raba inay gaaran goobaha gurmadka ay ugu diyaarisay dowladda.

“Shabaab haddii ay Muslinimo iyo Bani-Aadanimo wax ka yaqaanaan ha joojiyaan hor istaaga shacabka ka soo qaxaya macluusha, oo soo aadaya goobaha ay dawladdu gurmadka ugu diyaarisay. Barbarkeey Ka Baxdaa Waa Bakayle Qaleen,” ayuu yiri.

Al-Shabaab oo ayadu dagaal kula jirta dowladda ayaa go’doon ku haysa deegaano ay si weyn u sameeysay abaarta ka jirta dalka, taasi oo maraysa meel aad looga deyrinayo.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa bartamihii sanadkii hore dab xoogan qabad-siiyay gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen.

Gaari Dameerada oo gaarayay illaa sagaal ayaa la gubay, kuwaasi oo sidday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna ku socdeen gudaha magaalada, si ay u gaarsiiyaan raashinkaasi.

Lama oga sida ay baaqan uga fal-celin doonto Al-Shabaab oo aan looga baran xataa inay u dhimriso xaalada bani-aadanimo ee ka jirta dalka.