La-taliyihii gaarka ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo shaqada ka tegay

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii gaarka ahaa ee xariiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Baaruud ayaa shaqadii isaga tegay, waxuuna shaaciyay inuu iska casilay kasii mid ahaanshaha xafiiskaas.

Cabdi Baaruud ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay intii uu shaqeynayey inuu wax badan bartay, balse hadda uu macasalaameeyay saaxiibadiisii shaqada.

“Nabadgelyo OPM. Wax badan baad i bartay. Wadayaashaadu marwalba way isbedelayaan, laakiin doorkaaga muhiimka ah ee hay’adeed wuu sii jirayaa. Sii soco oo sii wad kobcinta Soomaaliya” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Kama hadlin sababta uu shaqada uga tegay, hayeeshee Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu sheegay in intii uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha joogay inuu wax badan bartay.

La-taliye Cabdi Baaruud waxa uu ka mid ahaa xubnihii la shaqeyn jiray ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo dhawaan xafiiska baneeyay, kadib markii kalsoonida lagala noqday.

Is-casilaada Cabdi ayaa sidoo kale imaaneysa, iyadoo ay shaqada xafiiska ra’iisul wasaaraha isaga tageen badanaa xubnihii la shaqeyn jiray Xasan Cali Kheyre.

Waxaa jira warar sheegaya in cadaadis gooni ah la saaray shaqaalihii xafiiskaas ee sida dhaw ula shaqeyn jiray ra’iisul wasaarihii hore Kheyre.

Waxaana xusid mudan in xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Caato) uu xil ka qaadistii Kheyre kadib  xad-gudub kula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaayeen Kheyre, taas oo sababtay in xilka laga qaado, balse laba todobaad kadib ayaa lagu celiyay.