Daawo: Beel Muqdisho ka soo saartay hanjabaad culus oo la xiriirta HirShabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Xawaadle oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in madaxweynaha Hir-Shabeelle ay qaadato beel kale oo laga baxo heshiiskii horay loo galay.

Waxay sheegeen in afar sano ka hor lagu heshiiyey in reer Hiiraan ay madaxweynaha Hir-Shabeelle qaartaan, halka reer Shabeellada Dhexe la siiyay caasimadda maamulka oo ah magaalada Jowhar.

Odayaashii kulankaas ka hadlay ayaa aad u taageeray banaanbaxyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Beledweyne, kuwaas oo looga soo hor jeeday in beesha Xawaadle lagu qabsado xilka madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Odayaasha beesha Xawaadle ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ka dalbaday inay faro-geliyaan khilaafka culus ee ka taagan dhismaha Hir-Shabeelle, iyagoo aan dhana u eexaneyn.

Baaqaan ka soo yeeray waxgaradka beesha Xawaadle ayaa ku soo aadaya iyadoo sideed ka mid ah xildhibaanada beeshaas ku metela baarlamaanka federaalka uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday kulan ay dhawaan la yeesheen Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanadaas ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in kursiga Madaxweynaha Hir-Shabeelle uusan tartan geli karin, oo uu gaar u yahay beesha ay matalaan ee Xawaadle.

Hasa yeeshee sida ay ogaatay Caasimada Online Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanadaas u sheegay in kursiga doorashada Madaxweynaha uu yahay tartan u furan guud ahaan shacabka iyo beelaha Hir-Shabeelle oo aysan jirin beel gaar u leh ama saami u leh.