Calasow oo si kulul uga jawaabay shaqo joojinta uu ku sameeyey Gacal

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa markii u horeysay ka hadlay shaqo joojinta uu ku sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo uu soo kala dhex-galay khilaaf culus.

Xildhibaan Calasow ayaa sharci darro ku tilmaamay shaqo joojinta Gacal, isagoona ku eedeyay guddoomiyaha inuu gebi ahaanba ku fashilmay shaqadii baarlamaanka Galmudug.

Calasow ayaa ka dhawaajiyay in Gacal uusan awood u laheyn inuu gunada ka jaro amase uu shaqada ka joojiyo xildhibaanada uu guddoomiyaha u yahay ee uu kamidka yahay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu xeer hoosaadka baarlamaanka Galmudug aysan ku qorneyn tallaabada guddoomiye Gacal uu qaaday, ayna tahay mid la yaab ku noqotay baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Tallaabada ka dhanka ah Calasow ayaa waxa si weyn uga horyimid xildhibaanda baarlamaanka Galmudug oo iyagu u arka ku tagri fal awoodeed iyo ku tumasho sharci, iyagoona cabasho ka dhan u gudbiyey hogaanka sarre ee Galmudug.

Xildhibaanadaasi ayaa madaxweyne Qoor-Qoor gaarsiiyay cabashadooda ku aadan tallaabada uu qaaday guddoomiye Gacal, oo ay xiisad culus kala dhaxeyso xildhibaanka uu ku sameeyay shaqo joojinta.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa shalay soo saaray warqad uu fadhiyada baarlamaanka uga mamnuucay xildhibaan Cabdullahi Axmed Calasow oo ka tirsan golaha wakiillada Galmudug oo khilaaf culus uu kala dhaxeeyay.

“Fadhiyada iyo gunada kalfadhiga labaad ayaa laga joojiyey Xildhibaan Cabdullahi Axmed Calasow laga bilaabo 12-ka October 2020-ka, waana in cudurdaar rasmi ah uu usoo gudbiyo fadhiga koowaad ee golaha,” ayaa lagu yiri qoraal uu ku saxiixanyahay guddoomiye Maxamed Nuur Gacal oo soo baxay maalintii shalay.

Calasow ayaa tartan xoogan kula galay Gacal xilka uu hayo ee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, waana sababta la fahamsan yahay inay ka dambeyso shaqo joojinta uu ku sameeyay guddoomiyuhu.

Gacal ayaa xildhibaan Calasow gebi ahaanba ka mamnuucay fadhiyada golaha iyo gunadiiba, xili ay xildhibaano badan oo ka tirsan goluhu ay ku howlanaayen mooshin ka dhan ah guddoomiyaha, isla markaana uu uga shikiyay olole uga dhan ah.