Xildhibaanada Galmudug oo cabasho u gudbiyey Qoor Qoor, kadib go’aankii Gacal

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa ka horyimid go’aankii guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Maxamed Nuur Gacal uu kulamada golaha wakiilada uga joojiyey xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow.

Xildhibaanada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Gacal ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana ay ka soo horjeedaan arrintaasi.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay cabasho ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug u gudbiyeen madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoo Qoor).

Mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxweynaha inuu soo fara-geliyo arrintaasi, islamarkaana u wax ka qabto tallaabooyin uu qaadayo Mr. Gacal.

Xiisada iyo khilaafka ka taagan baarlamaanka Galmudug ayaa ka sii dartay markii shalay guddoomiyuhu shaqo joojin ku sameeyey, xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow oo lagu eedeeyey inuu sameeyey falal lidi ku ah habsami u socodka howlaha baarlamaanka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey buuqa ka dhex-taagan xildhibaanada Galmudug, kaas oo saameeyey howlihii baarlamaanka maamulkaasi.