Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay Shabellaha Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dad rayid ah oo saaka lagu rasaaseeyey qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Weerarka oo fuliyeen kooxo hubeysan ayaa ka dhacay deegaanka Garsaaley oo ku yaalla wadada u dhexeysa magaalooyinka Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Gaariga la rasaaseeyey oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomey ayaa waxaa la socday illaa 14 ruux, wuxuuna ka soo baxay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan illaa labo qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale intaasi ka badan.

Sidoo kale ilo degaanka ah ayaa Caasimada Onlin u sheegay in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa goor dambe gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban.

Inta badan waxaa wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida weeraro qorsheysan iyo qaraxyo intaba.